Doorashada Galmudug: Labo Murashax oo u gudbay Wareegga 2-aad

Image

CADAADO, Somalia -  Waxaa goordhaw lasoo afjaray tirinta codadka wareegga kowaad ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ka socoto magaalada Cadaado.

Saddex musharrax oo kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Cabdiqaadir Shirwac iyo Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa u tartamay wareegga kowaad.

Waxay kala haleen cododka;

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo helay  57  cod

Cabdiqaadir Shirwac oo helay 7  cod

Axmed Shariif Cali Hilowle oo helay   24 cod

Waxaa Wareegga labaad u gudbay Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Shariif Cali Hilowle, oo la filaya inay ku kala baxaan wareeggan, oo ah kii ugu dambeeyay.

Xildhibaanno gaaraya 89 ayaa dhiibanaya codadkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM