​Doorashada Jowhar oo hakad gashay iyo mida Cadaado oo furmaysa

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa maanta oo sabti ah hakad gashay Doorashada Aqalka Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle, kadib markii xalay Rasaasayn ka dhacday xarunta Doorashada ee magaalada Jowhar.

Gudiga Dorashada dadban ee maamulka Hirshabele ayaa saakay wada wadatashiyo iyo Kulamo ku adaan sidi laga yeeli laha muranki xalay ka dhashay Doorashada Xildhibaanad aqalka hoose ee kursigan Beesha Gugundhabe.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxa'ed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa ilaaladiisa billaabay Rasaas kadib markii uu ka walaacay inuu doorashada lagu celiyo maanta oo Sabti ah, maadaama tii dhacay Xalay keeneen natiijo isku mid ah isaga iyo murashaxii la loollamayay, taasi oo keentay in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhaawacmaan.

Wiil uu dhalay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe, ayaa kamid ah saddex qof oo ku dhaawacmay Israsaaseyntii xalay ka dhacday xarunta Doorashada ee magaalada Jowhar.

Dhanka kale, wararka GO ka helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ay maanta Ergada dooran doonaan 6 Kursi, oo kamid noqon doono Xildhibaanada Maamulka Galmudug u matalaya Aqalka hoose.

Wararka sidoo kale aan ka helayno Baydhobo ayaa sheegaya in maanta ay dib u furmayso Doorashada aqalka hoose oo labo maalmood hakad ku jirtay.

Maamulka Koonfur Galbeed u dabaal degay labadii maalmood ee lasoo dhaafay sanadguurada 2-aad, ee kasoo wareegatay aas-aaska maamulkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM