Doorashada ka dhacaysa Baydhabo iyo Bandow lagu soo rogay magaalada

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaliya - Waxaa Baydhabo maanta la filayaa inay ka dhacdo doorashadda Madaxtinimadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo bandow lagu soo rogay magaalada.

Amniga magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la wareegey ciidamo isugu jira Itoobiyaan, Booliska Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaasoo xiray wadooyinka, sidoo kalena hakad heliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Guddiga doorashada, waxaa lagu casuumay doorashada inay goob-joog ka noqdaan mas’uuliyiin ka socota saaxiibadda Soomaaliya, dowlada Federaalka iyo Ururada Bulshadda rayidka.

Shan Musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, waxaana wax dooranaya Xildhibaanada Koonfur Galbeed kuwaasoo qaarkood dhawaan la geeyay Muqdisho kadibna dib loogu soo celiyy Baydhabo, iyagoo la filayo inay codadka siiyaan Musharaxa dowladda Federaalka wadato, ee Cabdicasiis Lafta-Gareen.

- Musharixiinta tartamaya -

1. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)
2. Huseen Cismaan Huseen [Calool-Kuus], Madaxii hore ee NISA.
3. Ibraahim Maclin Nuunow
4. Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, Wasiirkii hore ee Biyaha & Tamarta.
5. Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Sidda uu qabo Dastuurka dowlad goboleedkaan, Madaxwayne ku xigeenka waxaa soo magacaabaya Madaxwaynaha, mana jiri doonto doorasho loo qabanayo xilkan.

Koonfur Galbeed oo kamid ah maamulladii ugu dambeeyay ee la aas-aasay 2014-kii ayaa waxaa shantii sano ee lasoo dhaafay Madaxweyne ka ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo xilkan dhawaan iska casilay iyadoo mudo yar uga hartay waqtigiisa.

Mukhtaar Roobow, hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al Shabaab ayaa isku soo taagey doorashada maanta dhacaysa, balse la xiray maalmo kahor, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay dhigtay Xabsi ku yaalla Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM