Doorashada KG oo go’aamineysa masiirka Madasha Iskaashiga maamulada

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ka socoto diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee olaha doorashada maamulkaan, taasi oo loo madal-san yahay 17-ka bishaan.

Guddiga doorashadda oo shalay kulamay waxay soo saareen shuruudaha laga doonayo murashax kasta oo ay kamid tahay bixinta lacag diiwaan-gelinta ah ragga laga rabo 20 kun oo dollar, halka dumarku laga doonayo 10 kun oo dollar.

Sida laga soo xigtay qoraal uu Guddigu soo saarey, murashaxkasta waxaa looga baahan yahay in Fadhiga lagu dooranayo Madaxwaynaha xiga ee Koonfur Galbeed uu ka hor-jeedo 200 nuqul oo kamid ah barnaamijkiia siyaasadeed.

Murashaxiinta ayaa waxaa ku jira labo xubin oo taageero ka helaya Villa Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah; Wasiirka Tamarta mudane Lafta-gareen, oo aan wali is-casilin iyo Taliyihii hore ee NISA, Xuseen Calool Kuus.

Si lamid ah waxaa doorashada ka qaybgalaya Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa aas-aasayaaha kooxda Al-Shabaab, iyo Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaaday ee Shariif Xasan oo dib udoorasho rajaynaya.

Dadka ka faalooda siyaasada ayaa rumeysan in doorashada Koonfur Galbeed ay go’aan ka gaari karto mustaqbalka Madasha Iskaashia Dowlad goboleedyadda oo uu haatan Gudoomiye ka yahay Shariif Xasan.

Sababta ayey ku doodeen in hadii Shariifka uu kusoo baxo doorashada ay ka dhigan inuu sii jiri karo Gollaha iyo olalahiisa ka dhanka ah Villa Soomaaliya, balse ay ku xiran tahay inay doorashada kusoo baxaan Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe oo culeys wajahay dhankooda.

Balse, hadii Madaxwayne Shariif looga guuleysto doorashada oo uu kusoo baxo murashax ay wadato Villa Soomaaliya waxay ka dhigan tahay inay waayeen hogaamiyaasha maamulada xubin muhiim u ahaa, maadaama Shariifka uu saamey ku leeyahay go’aamada Gollaha.

Wararka laga helayo Baydhabo waxay sheegayaan in Murashaxiinta ay wadaan kulamo ay kalsoonida ua raadinayaan Xilldhibaanada, iyaga oo sameysanaya Isbaheysiyo ay rabaan inay ku galaan doorashada.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa yimid Muqdisho si ay kulan ula yeesheen Afhayeenka Gollaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyaga oo kawada hadlay arrimo ku xeeran doorashooyinka.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in kulan qarsoodi ay yeesheen Murashax Roobow Iyo Shariif Xasan, taasi oo dhalisay in la meel-mariyo Afhayeenkii hore ee Shabaab, inkasta oo aan la hubin hadii ay isbaheysi sameysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM