Doorashada Koonfur Galbeed oo dib loo dhigay iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gollaha Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhigeen doorashada Madaxtinimada maamulkaasi, kadib markii ay is-casileen xubnaha gudiga doorashada maalintii shalay.

Odayaasha oo maanta shir jaraa'id ku qabtey magaalada Baydhabo ayaa sheegay in tallaabadan ay u sameeyeen badbaadinta Koonfur Galbeed, oo hadda gashay xasilooni la'aan siyaasadeed oo ka dhalatay fara-gelin ay sheegeen inay dowladda Federaalka ku hayso arrimaha maamulkan, gaar ahaan doorashada.

Waxay kaloo ku eedeeyeen Villa Somalia inay Muqdisho u daabushay Xildhibaanadii Koonfur Galbeed, ayna siisay lacago laaluusha ah si ay ugu codeeyaan Musharaxa ay wadato, taasina ay tahay mid keeni karta xasilooni darro iyo isku dhac ka dhasha natiijada.

Odayaasha ma aysan shaacin xilli ay dhici doonto doorashada Madaxweyne ee Koonfur Galbeed, balse go'aankan ayaa kusoo beegmaya xili maanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay ku baaqday in doorashada la qabto waqtigeda.

Qodobka 60aad ee Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa dhigaya in Odayaasha Dhaqanka ay yihiin marjaca loo laabto marka ay xaaladaha noocan ah ay jiraan, iyagoo awood u siinaya inay qaataan go'aanadan noocan ah.

Dowladda ayaanan ka hadli wali fara-gelinta lagu eedeeyay.

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo sareen ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ay qaadi doonaan mas'uuliyadda wixii dhibaato ah oo ka dhasha faragelinta dowladda Federaalka.

Shalay waxaa is-casilay guddiga doorashada Koonfur Galbeed, saacado kadib markii ay howshooda diiwaangelinta musharxiinta ka billaabeen Baydhabo, waxayna u sababeeyeen go'aankooda faragelinta Villa Somalia ee Doorashada.

AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA ODAYAASHA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM