Doorashada kuraasta Puntland ee Aqalka Sare oo la muddeeyay

Image
Afhayeenka baarlamaanka dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. [Photo: Puntland Parliment]

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka baarlamaanka dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland ayaa la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, sida uu shaaciyey guddomiye Jibriil.

"Waxaan rajaynaynaa in loo diyaar garoobo, cid kastaana qaadato doorka kaga aaddan," ayuu raaciyey qoraal uu soo saarey kaasoo lagu faafiyey barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa waqtigan ogeysiiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu magacaabay liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee federaalka ku matalaya dowladda Puntland afarta sano nagu soo fool leh.

Deni ayaa Puntland ka dhigay maamulkii ugu horeeyay ee soo wada magacaabay dhamaan musharaxiinta kuraasta uu ku leeyahay Senate-ka maadaama gobolada kale qaar soo xusheen.

Wadarta musharaxiinta oo 22 ah ayaa waxaa dumar kaga jira todoba. Lix kamida waxay ku tartamayaan saddex kursi. Tani waxay Puntland ka dhigaysaa maamulka kaliya ee illaa hada lix wakiilo ku yeelanaya golaha.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiga

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM

Maxaa sababay Kororka Tirada ardayda galaysa Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland ?

Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxay ballan qaaday in ay sii wadi doonto horumarinta waxbarashada deegaanada.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 07:16AM