Doorashada Kursi ka banaan BF oo ka socota Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Somalia ayaa shaaciyay in maanta oo Isniin ah ku qabanayo magaaladda Baydhabo doorashadda kursi ka banaan Gollaha Shacabka, kaasoo ay leedahay mid kamida beelaha Mirifle.

Afar Musharax oo kala ah; Isaaq Khaliif Sheekh, Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Nuur, Xasan Maalim Ibraahim iyo Cabdullaahi Sheekh Maxamed kuwaasoo u tartamaya kursi uu ka geeriyoodey Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saddex musharax oo kamid ah afarta musharax aysan soo xaadirin goobta doorashadda, waxaana tani ay banaanka soo dhigtay musuq-maasuq ka jira hanaanka doorashadda, oo cid gaar ah loo calaamadeeyay.

Baarlamaanka 10-aad ee Somalia ayaa waxaa kamida Xildhibaanno doorashooyinkooda beesha caalamka ay sheegtay inay u dhaceen si musuq-maasuq ah, iyadoo la iibsaday codadka, waxaana ay ku baaqday in dib loogu noqdo doorashadooda.

Doorashadii xubnaha Gollaha Shacabka ee dhacday dhamaadkii 2016 ayaa waxay noqotay midii ugu musuq-maasuqa badnaa, iyadoo kuraasta qaar lagu iibsaday in ka ka badan hal milyan oo dollar-ka Mareykanka.

Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamiso Xaliima Yareeya ayaa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay musuq-maasuqa dhanka doorashooyinka, isagoo ku fashilmay inuu qabto doorasho xor iyoo xalaal ah, oo hanaan dimoqraadi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM