Doorashada madaxweynaha 10aad ee dalka ee la muddeeyay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aano ayaa laga soo saarey shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ku dhexmaray hogaamiyeyaasha Soomaalida ee kala ah dowlada federaalka iyo maamulada.

Go'aanada waxaa qeyb ka ah waqtiga la dooranayo madaxweynaha soo aadan ama 10aad ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya taasoo loo asteeyay in ay qabsoonto 10-ka bisha October, 2021.

Sida ku xusan qoraalkan uu arkay warsidaha Garowe Online, Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ayaa loo qorsheeyay 20-ka September, 2021-ka.

Go'aanadda ayaa kala ah;

1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda (30 June - 05 July 2021)

2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada (23 July 2021)

4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July - 10- August 2021)

5. Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August - 10 September 2021)

6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

- Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

- Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Sikastaba ha ahaatee, ma jirto cid si gaar ah u damaanad-qaadi karto in ay sidooda ku fulayaan qodobadan maadaama ay madaxda Soomaalida horey ugu guuldareysteen in ay dhaqan-geliyaan jadwalkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM