Doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeele oo dhaceysa, Wasiiro tagey Jowhar

Image

JOWHAR- Doorashada Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeele ayaa ka dhaceysa magalaada Jowhar 16 Sept,2017 iyadoo goob joog ka yihiin Wasiiro ka socda dowlada Federaalka, Xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo xubno ka socda beesha calaamka.

Wafdi ka tirsan golaha wasiirada dowlada Federaalka ee uu hogaaminayey Wasiirka arimaha gudaha Cabdi Farax Siciid " Juxa" ayaa galabnimadii Jimacaha 15 Sept, 2017 gaarey magalaada Jowhar kuwasoo damacsan iney goob joog ka ahaadaan doorashadaan.

Xubnaha golaha wasiirada ee kamid ahaa wafdigaan ayaa waxaa kale oo kamid ahaa  Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo xubno kale.

Wasiir Juxa oo saxafada la hadlay ayaa sheegey in dowlada Federaalka ka tahay dhexdhexaad doorashada iyadoo aqbaleysa natiijada kasoo baxda codbixintaan.

Musharaxiinta u tartameysa xilkaan ayaa magacyadooda waxay kala yihiin; Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo, Cabdikariin Cali Nuur. Daahir Cabdulle Maxamed Cabdi Waare, Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed),  Cabdinaasir Shirwac Maxamed. Maxamed Caruush Diirow iyo Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

Xubnahan ayaa khudbado ay kaga hadlayaan taariikhdooda iyo siyasada ay ku hogaaminayaan gobolkaan Barlamanka  ka jeediyey 13 Sept, 2017.

Barlamanka maamulkaan ayaa horey xilka uga qaadey madaxweynihii ugu horeeyey Hir-Shabeele kadib markii ay ku soo eedeeyeen wax qabad la'aan iyo musuqmaasuq.

Maamulkaan oo ka kooban labo gobol ( Shabelaha dhexe iyo Hiran) ayaan kaabayashiisa dhaqaalaha aysan howgalin isagoo ku tiirsan dhaqaale yar ay dowlada Federaalka ka-siiso misaaniyadeeda kaasoo lagu bixiyo mushaharaadka xildhibaanada iyo howl-wadenada kale ee Dowlada.

Hir-Shabeele ayaa gobolada uu ka kooban yahay dhinaca dhulka la isaga socon karin iyadoo magaalooyinka Jowahar, Buulo-Barde iyo Baladweyne diyaarad kaliya lagu tagi karo.

 Al Shabaab ayaa gacanta ku haya inta badan degaanada baadiyaha ee gobolkaan iyadoo magalaada Buulo-Barde tahay mid dhibaato badan kasoo gaartey go'doominta ururkaan ku hayo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ku qotomo horumarinta wadashaqeynta.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:06PM