Doorashada Koonfur Galbeed oo mar kale dib loo dhigay [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhigeen coddeynta loo balansanaa inay qabsoonto 28-da bishaan November, taasi oo ay gaarsiiyeen illaa iyo 5-ta bisha dambe ee December.

War qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedkaan ayay kusoo saareen Jadwal cusub oo ay ku qabsoomeyso codbixinta.

Fahfaahino madax banaan oo uu warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in tani ay timid markii mas'uuliyiinta Guddiga ay isku qabteen Jadwalkii hore oo 15-ka xubnood ee dhowaan lasoo magacaabay qaarkood ay kasoo horjeesteen.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya inuu jiro cadaadis kaga yimid xubnaha Guddiga gacan saddexaad oo la tilmaamay inay kala yihiin dowladda Federaalka iyo murashaxiinta hanka uu kaga jiro kursiga madaxtinimo.

Xilldhibaano ka tirsan Gollaha Wakiiladda Koonfur Galbeed aya wacad ku maray in aysan codkooda dhiiban doonin hadii wax ka bedal lagu sameeyo hab-raaca doorashada, taasi oo mudanayaasha ku kala aragti duwan yihiin.

Guud ahaan arrimahaan ayaa hadii aanan xal laga gaarin waxa ay dhaawici karaan ku kalsoonan natiijada kasoo baxda doorashada oo markii labaad oo xiriir ah dib loo dhigay, xili ay mar-xalad kale ay galayso coddeynta.

WARQADDA GUDDIGA EE SHAXDA DOORASHADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM