Doorashada Somalia oo dib u dhac kale ku imaaanayo

Image

GAROWE,Puntland- Doorashada Somalia oo la filayay in bisha October 30,2016 soo afjaranto ayaa waxaa la filayaa in dib u dhac ku yimaado kadib markii qorshe howleedkii la dajiyey lagu dhaqmi waayey.

Maalintii shaley 25 Sept, 2016 ayaa waxaa ku ekaa waqtigii laga sugayey madaxda maamulada dowlada Federaalka iney soo dhameystiraan magacaabista xildhibanada aqalka sare ee Barlamanka Somalia.

Warsidaha GO oo xiriir la sameeyey xubin ka tirsan guddiga doorashada xaruntoodu tahay Muqdishu ayaa sidoo kale ogaadey in madaxda Somalida surtagalin waayeen in bisha Sept 12, 2016 soo gudbin waayeen liiska magacyada ergada 51 ah ee dooraneysa xildhibanada.

" Dib u dhacaan ku yimid magacaabista guddiyada iyo aqalka sare ee Barlamanka Somalia waxa ay keeneysaa dib u dhac 3-4 asbuuc ah." Sidaas waxaa GO sheegey xubin kamid ah guddiga doorashada oo diidey in magaciisa xusno.

Dhinaca kale waxaa buuq iyo jawahareer ka jiraa magaalo madaxyada maamulada Somalia taasoo sababtey qaabka qabiiliga ee wax lagu dooranayo, musuqmaasuq salka ku haya madaxda Somalida oo ka dhex raadinaya fursado xildhibano ay rabaan iney kusoo baxaan Barlamanada Federaalka.

Wararka aan ka heleyno Kismayo iyo Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweynayasha labadaas maamul safar ugu maqan yihiin dalka Ethiopia.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Dalka Somalia ayaa ka dhigeysa in wadanka dagaalada iyo xasilooni la'aanta ka jirtey muddo 25 ku dhow aysan dowlad sharci ah ka jiri doonin mudo sadex bilood kor u dhaafeysa.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM