Doorashada uu wado guddiga DF oo la codsaday in la hakiyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka, Siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa bayaan wadajir ah soo saarey

War-saxaafadeedkan uu arkay Garowe Online ayay si adag uga hor-yimaadeen jadwalka doorashada ee uu shaaciyey Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay.

Guddiyadaas xudunta u ah is-mari-waaga ka taagan coddeynta 2020-21 ayay ku qeexeen "mid aan sifo sharci ah ahayn lagana filan karin in ay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah".

Qabashadda doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ay ka digeen ayay rumeysan yihiin in ay dhabar-jab ku tahay midnimadda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Dhamaan daneeyeyaasha ayay cod dheer ku waydiisteen in laga shaqeeyo sidii loo joojin lahaa doorashadda uu qaban-qaabinayo guddiga lagu muransanyahay iyo fulinta habraacyadda.

Shalay ahayd markii guddigan degan huteel ku yaala Muqdisho uu shaaciyey jadwal doorasho kaasoo ay kusoo bandhigeen taariikhyo ay qabanayaan doorashooyinka labadda gole.

Midowga Musharaxiinta oo naqdiyey jadwalkaas ayaa uga digay maamulada taabacsan Villa Soomaaliya in ay u hogaan-samaan jadwalkaas ayna ka dhalan karo cawaaqib-xumo.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM