Doorashadda Koonfur Galbeed oo markii 4aad dib loo digay [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa kaga dhawaaqay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedkaan in dib loo dhigay markii afaraad doorashada Madaxtinimada.

War-saxaafadeed uu Guddigu soo saarey, kaasi oo nuqul kamid ah ay warbaahinta u akhriyeen ayay ku sheegeen in sababo farsamo darteeda ay keentay dib udhaca, xili ay shaaciyeen waqtiga xigta ee la qabanayo.

Labo kamid ah sababaha dib loo dhigay doorashadda markii saddexaad kamid ah; shaqooyin horyaala Guddiga oo waqtiyo badan ubaahan iyo inaanu korjootada kusoo xaadiri karin waqtiga haatan harsan.

Kooxda qaban-qaabada doorashada Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa daboolka ka qaaday in xiliga xigta oo coddeynta dhici doonto 19-ka bisha December ee sanadkaan 2018.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed, ma jiro wax isbedal ah oo lagu sameeyay habraacii uu horey usoo saarey Guddiga, islamarkaana waxay ku qabsoomi doonan Jadwalkii uu horey usoo saarey.

Tusaale ahaan, waqtiga ay hadal-jeedinta sameyn doonan muasharixiinta oo loo qorsheeyay Berri oo Axad ah illaa iyo Isniinta ma jiro wax isbedal ah oo lagu sameeyay, sida uu Guddigu ic-laamiyay.

Warar madax banaan oo uu helayo warsidaha Garowe Online waxay sheegayaan in dib udhacaan sababaha keenay ay qayb ka tahay markii xubnaha ay isku qabteen ciidamo ay shalay geysay dowladda magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faragelin ba’an waxay ku haysaa doorashada Koonfur Galbeed, iyadda oo dooneysa inuu kusoo baxo murashax ah iyadda wadato, xili ay haatan jiraan Labo tartame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM