Doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo, Baydhobo iyo Jowhar

Image

BAYDHOBO, Somalia - Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar ayaa ka socdo Doorashada xildhibaanada aqalka hoose iyo kan sare ee Baarlamaanka cusub Soomaaliya yeelan doonto.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta Ergada Doorashada doorteen Lix xildhibaan oo kala ah; 1. Sheekh Nuur Maxamed Xasan (51 cod) 

2. C/qaadir Sheekh Cali (50 cod)

3. Farxiyo Xasan Axmed (38 cod) 

4. Sacdiyo Muuse C/laahi (31 cod) 

5. Axmed Cusmaan Ibraahim (49 cod)

6. C/raaxmaan Kulmiye Xasan (38 cod).

Tirada ilaa iyo shalay lagu doortay Kismaayo waxay gaareysaa 13 Mudane, iyadoo Doorashada ay sii socon doonto ilaa laga dhamaystirayo 42 kursi ee Jubbaland ka heshay aqalkahoose.

Dhanka Baydhabo, waxaa ka socoto wajiga 2-aad ee doorashada aqalka hoose, waxaana maanta ergada doorteen 6 xildhibaan, oo qeyb ka noqon doono 69-ka Kursi ee Koonfur Galbeed ka imaan doonto. 

1. C/casiis Lafta-gareen (48 cod) 

2. Raabiyo Sheekh Nuurow 

3. Cali Cabdi Samaan (43 cod) 

4. Yacquub Cali Maxamed 

5. Samran Ibrahim Cumar 

6. Sandheere Maad Iftiin Shalay waxaa Baydhobo lagu doortay 7 Xubnood, oo uu ku jiro Gudoomiyaha xilka kasii degayo ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari. D

Dhanka kale, magaalada Jowhar waxaa maanta si rasmi ah ugu billowday Doorashada xubnaha aqalka sare, maadaam maamulka Hir-Shabeelle yahay mid cusub, oo wali dhismihiisa la dhamaystiran. 

Xildhibaanada maanta lagu doortay Jowhar oo gaareya 4, ayaa waxay kala yihiin; Muuse Suudi Yalaxow Prof Cusmaan Max'uud Dufle Cusmaan Axmed Macow Maxa'ed Xuseen Raage Hir-Shabeelle ayaa la filayaa inay Beri soo dhamaystirto Kuraasta Xildhibaanadeeda aqalka sare, kadibna gudagasho Doorashad aqalka hoose, si aan looga dib dhicin waqtiga Doorashada Madaxweynaha November 30.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM