​Doorasho ka socotay Jowhar oo la isku rasaaseeyay

Image

JOWHAR, Somalia- Doorasho caawa fiidkii ka bilaabatay degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, ayaa la isku gacan qaaday kadib markii tartan layaab leh dhexmaray xubno u sharaxnaa kursiga beesha Gugundhabe gaar ahaan Jufida Jidle.

Kursigan waxaa ku tartamayay saddex murashax oo ku jiray, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Somalia, Maxamed Xasan Nuur iyo labo murashax oo lagu kala magacaabo; Nuur Bocor iyo Cirro.

Doorashada wareegii kowaad ayaa loo kala helay qaabkan hoose;

Wasiir Nuux, 21 Cod

Nuur Bocor, 6 Cod

Iyo Musharax Ciro oo helay 24 Cod.

Waxaa la galay wareeg kale oo ay ku tartameen Nuux iyo Cirro, balse waxaa natiijadii noqotay mid layaab leh, kadi markii 5 ergo aamustay, min 23-na u kala codeeyeen labadaas murashax.

Natiijadaas, waxay dhalisay buuqa iyo sawaxan taasoo markii dambe isu badashay in layrkii hoolka doorashada la dambiyo.

Dadaal ay galeen waxgaradka Jufidaas, waxaa loo ballamay in maalinta barri ah doorashada la galo, balse waxaa ka horyimid talo soo jeedintaas, wasiir Nuux sida ay noo xaqiijiyeen goob joogaal ku sugana hoolka doorashada Aqalka hoose degmada Jowhar.

Wararka warsidaha GO soo gaaraya, ayaa sido kale xusaya in rasaas dhexmartay ilaalada labada murashax, inkastoo aan la sheegin wax khasaaro ka dhashay.

Xaaladda ayaa caadi kusoo noqotay muddo kadib.Majirto wax war ah oo kasoo baxay guddiga doorashada iyo maamulka Hir-Shabeelle

Doorashada Aqalka hoose ee kasocota dalka Somalia, ayaa waxaa hareeyay musuq-maasuq iyo is-qabqabsi beelaha dhexdooda ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii la dilay mid kamid ah Ergo ku sugnayd degmada Cadaado ee maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM