​Doorshada xubnaha Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo socota

Image

BAYDHOBO, Somalia- Waxaa ka socda magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo xarumo u ah maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, codbixinta Xubnaha u matali doona Aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Labadaas Maamul goboleed ayaa gudagalay inay cod ku kala saaraan murshaxiinta u loollamaya ka mid noqoshada xubinnimada Aqalka Sare.

Mas'uuliyiin sare oo ka socdo dowldda Waqtigeedu dhammaaday ee Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan hoolka doorashada ka socoto, iyadoo codbixinta samaynayaan Xildhibaanada maamulkaas.

Wariye ku sugan Goobta Doorashada ayaa GO u sheegay in 16 Musharax, oo Haween kamid yihiin u tartamayaan Kuraasta la siiyay Koonfur Galbeed oo ah 8 Kursi.

Waxaa xubinta ugu horeysa Aqalka sare ee Koonfur Galbeed ku guuleystey Cabdikaafi Macallin Xasan oo heley 88 cod.

Dhinaca kale wararka aan ka helayno hoolka Barlamanka Jubbaland, ayaa sheegaya in goordhow lagu dhawaaqi doono xubnaha kusoo baxay doorashada.

Shalay ayay aheyd markii Baarlamaannada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ay dhageysteen khudbadaha murashaxiinta u taagan qabashada kuraasta Aqalka Sare ee labadaas maamul.

Wararka Doorashada Aqalka Sare ee Baydhobo iyo Kismayo kala soco www.garoweonline.com

GAROWEONLINE

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM