DF oo eedeyn kaga jawaabtey qadiyada askarta Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa mar kale waxay beenisay in ciidan Soomaali ay ka dagaalameen ama ay "qabsadeen" gobolka Tigray.

Wasiirka warfaafinta, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa sidoo kale wuxuu mar labaad xaqiijiyey in askar ay tababar ugu maqan yihiin Eritrea.

Sida laga soo xigtay Dubbe, siyaasiyiin uusan magacaabin ayaa doonaya in ay "ololaha doorashooyinka ku galaan kiiskan ayaga oo taageero ka helaya gacmo shisheeye".

"Waa markii sagaalaad oo la isku dayo in arrin ay sameysay Kenya ku qariya arrintana la qoxo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxda ka sareysa ayuu xusay in ay tixgelinayaa in ay la hadlaan waalidiinta wiilashooda la maqan tahay iyo in warbaahinta dowlada ay booqato askarta tababarka loo qaadey.

Dhanka kale, Dubbe oo warfidiyeenka la hadlay wuxuu sheegay in ciidanka Kenya aysan duqeyn ka fulin karin Soomaaliya "iyaga aan soo wargelin dowlada iyo taliska AMISOM".

Dubbe ayaa sidoo kale wuxuu si kulul u cambaareeyay duqeyn lagu eedeeyay Kenya kana dhacdey gobolka Gedo taasoo sababtay dhimashada dad isku qoys oo ay ku jiraan caruur iyo hooyadood.

"Iyaddoo aysan jirin dal mid kale ku xadgudbi kara, haddii ay duqeyn kale sameeyaan wargelin la'aan waxaan la tiigsaneynaa shuruucda caalamka," ayuu hoosta ka xariiqay wasiirka.

Kiiska askarta Soomaaliyeed ee sida qarsoodiga ah tababarka loogu qaadey Eritrea ayaa cirka isku tolay ka gedaal markii Qaramada Midoobay ay sheegtay warkaas soo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM