Dowlada Somalia oo ka hadashay sababta loo joojiyey Qaadka

Image

NAIROBI, Kenya- Dowlada Federaalka ayaa sheegtey sababta Qaadka Miraa la yiraahdo kasoo laga keeno dalka Kenya loo joojiyey tahay kadib markii gudoomiyaha gobolka Meru Peter Munya arimaha ganacsigiisa u isticmaaley inuu kala gooyo dalka Somalia.

"Galabnimdii Talaadada 6 Sept, 2016 ayaa safiirka dalka Somalia u fadhiya Kenya Jamal Xassan sheegey in booqashadii Munya ku tagey magaalada Hargeyaa uu ku xirey madaxbanaanida dalka Somalia iyo ganacsiga Qaadka kasoo baxa gobolkiisa isagoo faraha la galey arimaha gudaha dal kale" ayuu saxaafada dalka Kenya u sheegey Amb. Jamal.

Safiirka ayaa sheegey in hadalka gudoomiyaha gobolka Qaadka miraha la yiraado lasoo baxo dhaliyey muran badan oo siyaasadeed kasoo khasab ka dhigey in la joojiyo ganacsigiisa inta arinkaas xal laga gaarayo.

Isniintii la soo dhaafey ayaa Dowlada Somalia joojisay duulimaadyada ka imaanaya dalka Kenya kuwasoo sida Qaadka Miraa oo laga beero inta badan gobolka la yiraahdo Meru.

Bishii July ee sanadkaan ayaa gudoomiyaha gobolka Meru Peter Munya Booqasho ku tagey magaalada Hargeysa isagoo sheegey in Olole u galayo aqoonsiga maamulkaas madaama ay ka iibsadaan Qaad fara badan.

Safiirka dalka Kenya u fadhiya Somalia ayaa saxaafada u sheegey sidoo kale in dowladiisu arinkaan wadahadal kala gali doonto hay'adaha ay khuseyso. 

Go'aanka dowlada Federaalka ku joojisay keenista Qaadka ka yimaada dalka Kenya waxaa diidey Puntland, Jubaland iyo Somaliland kuwasoo diyaardaha kasoo duula dalka Kenya toos uga dagayaan garoomada magaalo madaxyada maamuladaas iyadoo wax fasax ah waydiisan dowlada fadhigeedu yahay Villa Somalia.

Dhinaca kale wararka diplomaasiyeed aan ka helayno dalka Kenya ayaa sheegaya in taalabada Madaxwyne Xasan Shiikh qaadey la xiriirto doorashada Somalia.

Madaxeynaha Somalia ayaa Dowlada  madaxweyne Uhuru Kenyata ka waayey tageero siyaasdeed ololihiisa uu rabo in dib loogu doorto madaxtinimada Somalia.

Xiriirka Kenya iyo Dowlada madaxweyne Xasan Shiikh ayaan hagaagsaneyn mudooyin badan kadib markii  ciidmada dalka Kenya soo galeen gudaha Somalia.

Dowlada Kenya ayaa tageertey dhismaha maamulka Jubaland halka Dowlada madaxweyne Xasan Shiikh diidey iney aqoonsato maamulkaas balse markii dambe heahiis laga gaarey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM