Dowlada Somalia oo qaaday Xayiraada Qaadka

Image

MUQDISHO, Somalia -- Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya Xasan Sheekh iyo Uhuro Kenyatta ayaa ku heshiiyay in dib loo billaabo duulimaadyadii Diyaaradaha Qaadka, oo mudo ku dhaw Labo Todobaad hakad ku jiray.

Xasan iyo Uhuru ayaa kulan gaar ah, oo albaabada u xiran yahay ku yeeshay Hotel-ka uu ka socdo shir  Madaxeedka IGAD kasoo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxaa safarkiisa Muqdisho ku wehliya Gudoomiyaha gobolka Meru Peter Munya, kaasi oo dhawaan cadaadis xoogan kala kulmay Beeralayda Qaadka Kenya oo Malaayiin Doolar ku waayay mamnuucista Qaadka loo iib-geeyo Somalia. 

Somalia ayaa ah suuqa  kaliya ee loo iib-geeyo Qaadka Kenya, kadib markii Labo Sano kahor dalal kamid ah Yurub, oo UK ugu horeyso joojiyeen Ganacsiga Iyo cunista Maandooriyaha Qaadka. 

Inkastoo Qaadka ay mamnuucday Dowladda Federaalka Somalia, qeybo kamid ah dalka  si caadi ah ayu uga degayay kuwasoo maamulada ka arimiya dheg jalaq u siin  go'aanka madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Sept 10, 2016.

Lama oga ilaa hadda sababta dhabta ah ee loo joojiyey Qaadka Kenya uga imaanayey magaalada Muqdishu marka laga reebo safiirka Nairobi u fadhiya Somalia oo sheegey in gudoomiyaha gobolka Meru faraha la galey arimaha gudaha ee wadanka dagaalada ka socdeen muddo 25 sano ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM