Dowlada Somaliya oo ka hadashay weerarkii Bariire

Image

Sarkaal ka mid ah ciidamada Soomaaliya, Janaraal Sheegow Axmed Cali, oo maamulayay saldhigga la weeraray ee Bariire ayaa sheegay in qaar ka mid ah kooxda weerartay ay ku dileen dagaalka.

Wuxuu tilmaamay iyo militariga Soomaaliya ay guuleysteen, iskana caabiyeen weerarka Al-Shabaab ee Bariire.

"Saaka aroortii, seddax meel ayey naga soo galeen; dhinaca wobiga; dhinaca Koonfur iyo dhanka waqooyi. Ka dib way naga jabeen ka dib markii dharbaaxo culus ay ku dhacday, illaa maydooda aan meesha dhignay", ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Janaraal Sheegow ayaa tilmaamay in illaa 18 ka mid ah shabaab ay ku dileen dagaalka ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose.

AlShabaab ayaa sheegatay in ku dhowaad 30 askeri ay ku dileen weerarka, laakiin Janaraal Sheegow ayaa beeniyay arrintaas.

Wuxuu Sheegow qiray in illaa 12 askeri ay ku dhinteen weerarka Al-Shabaab ee Bariire ay ku qaadeen saaka.

Sidoo kale wuxuu Janaraalka beeniyay in Al-Shabaab ay qaateen gawaari xerada ciidamada tiilay. Kooxda ayaa sheegatay in 11 gaarii oo ay ka mid yihiin kuwa caafimaadka ka qaateen saldhigga.

"Baabuurta waxay ahaayeen kuwa qaar kood ay haleysnaayeen, oo difaaca yaalay, oo baasuuko uu ku dhacay. Gawaarida way cuslaayeen, mid ay qarxiyeen iyo seddax kale; afar gaari baan ogahay hadda", ayuu yiri Janaraal Sheegow.

BBC

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM