Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii garoonka Sacuudiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay Falaagada Xuutiyiinta isbuucii hore ku ekeeyeen garoonka Abha ee Koonfur-Bari Sacuudiga.

Kooxda fadhigeedu yahay Yemen ee ay barataarto Iiraan ayaa dhowr Gantaalo oo kuwa ridada dheer ah waxay ku beegsatay madaarkaasi, Arbacadii, taasi oo sababtay dhawaaca 26 rakaab.

Xulufada ay Riyadh hogaamiso ee dagaalka kawada Yemen o ku eedeeyay Tehran in ay lahayd Gantaaladaasi ayaa ku sifeysay dhacdadaasi "fal ah dambi dambiyadeed oo ka dhan ah Sacuudiga".

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda tilmaamtay in weerarkaasi "mid halis dhab ah ku tahay amniga gobolka ayna wiiqeyso dedaalada ay Qaramada Midoobay dhibaatada Yemen ugu raadineyso xal siyaasadeed".

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu xusay in dowladda federalka ah ay la safan tahay Sacuudiga oo wajahaya weeraro dhanka cirka iyo dhulka oo Xuutiyiinta kaga imaanaya.

"Soomaaliya waxay ku gabar-tagaan tahay Sacuudi Carabiya wajiyada weerarada foosha ee argagixisada, kuwaasi oo sare u qaadaya falal dambiyeedyada fuleynimada ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Bishii hore, maamulka madaxweyne Farmaajo ayaa sidaan oo kale u dhaliilay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Xuutiyiinta ku beegsadeen goobaha Saliida laga soo saaro ee Sacuudiga.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM