Dowlada Soomaaliya oo lagu dhaliilay talaabo ay qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey waxay ciidankii iyo hubkii loogu talagalay la dirirka Al-Shabaab "ku beer-dareynayaan" u adeegsiga dano siyaasadeed, sidda uu rumeysan yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo muuqdey liiska 15 mudane oo shan kulan laga ganaaxay fadhiyada Aqalka Hoose, ayaa sheegay in askar ku hubeysan gaadiid dagaal lagu soo daadiyey nawaaxiga hoygiisa.

Sidda laga soo xigtay mudanaha, askartaas oo isugu jiray boolis, nabad-sugid iyo milatari waxay wateen tikniko iyo gaadiid gaashaaman oo dowladaha caalamka ugu deeqeen Soomaaliya la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

"Waa nasiib darro in madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ay ciidamaddii loogu talagay in lagula diro Al-Shabaab ay ku beerdareeyaan in ay u isticmaalaan in ay Xildhibaano kaga hor-istaagaan gudashadda waajibaadkooda shaqo," ayuu u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da. "Ciidamadan waxay ahaayeen kuwii loogu talagay in aan siyaasad loo adeegsan".

Dhanka kale Maxamed Cali Caano-nuug, oo kamid ah mudaneyaasha laga mamnuucay fadhiyadda Golaha Shacabka, ayaa tibaaxay in ka fekerayaa qaabka ay uga falcelinayaan is-hor-taaga maanta lagu sameeyay.

"Ciidamo intaas la eg in lasoo dhoobay jidadka Muqdisho in Xildhibaano qaran ay ka hor-istaagaan gudashadda waajibaadkooda, Shabaabkiina aanan lala diriraynin, waa nasiib darro Ummadda Soomaaliyeed u soo siyaaday," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey Idaacadda maxaliga ah ee ka howlgasha Muqdisho ee KNN.

Sharci-dejiyaha oo hadalkiisa ku daray ayaa wuxuu intaas ku daray: "Talada ayaan badsaneynaa wixii aan dhaafiweynay ayaan sameynay".

Xildhibaan Xasan Yarre oo kamid ah Xildhibaanadda loo diidey in maanta ay xaadiraan kulanka Golaha Shacabka oo warbixin looga dhageystay Wasiirka Caafimaadka wuxuu talaabadaas ku qeexay "af-gembi".

"Maanta waxay u muuqataa sidii 21-kii October ee uu waddaankaan ku dhacay Af-gembi, waa dal sharcigiisii lagu tumanayo oo baarlaman xitaa wakhtigiisu dhammaaday askar loo adeegsanayo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya, xafiiska afhayeenka Golaha Shacabka iyo taliska ciidamada ayaan wali jawaab ka bixin eedeynta mucaaradka.

Walaaca ugu weyn ee mucaaradka ka qabay kulankan ayaa ahayd wax ay ugu yeereen "in si gaadmo ah muddo kordhin loogu sameeyo" madaxweynaha iyo baarlamaanka muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey "si marmarsiyo ugu helaan baabi'inta heshiiska doorasho ee la gaarey 17-kii September".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxaya Soomaaliya Kadib Khilaaf ka dhashay AUSSOM

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerar saddexaad uu ka dhacay Beero Yabaal oo ku yaalla waqooyi-galbeed Aboorey.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 03:19PM

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM