Dowladda Federaalka oo qorshe u dejisay Bannaanbaxa Mucaaradka ee 4-ta June

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka ayaa soo jeedisay in mucaaradka loo asteeyo goobo cayiman oo ay ku qabsan karaan bannaanbaxyo, sida ay sheegeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed xili bannaanbax la qorsheeyay toddobaadka soo socda.

Sida ay xoguhu tilmaamayaan, soo jeedintan ayaa la gaarsiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku baaqay bannaanbax nabadeed oo dhici doona 4-ta Juun, kaasoo ay ku muujinayaan diidmadooda siyaasadaha dowladda Federaalka iyo arrimaha la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka.

Ilo amni ayaa sheegay in dowladda ay doonayso in dibadbaxayaasha ay isugu yimaadaan goobo hore loo cayimay halkii ay ka dooran lahaayeen meelaha ay rabaan. Tallaabadan ayaa la mid ah soo jeedin hore oo mucaaradka loogu sheegay inay isugu yimaadaan garoonka kubadda cagta ee Koonis, taasoo xilligaas dhalisay dood iyo dhaleeceyn.

Falanqeeyayaal siyaasadeed iyo xubno mucaarad ah ayaa u arka qorshahan mid ay Villa Somalia ku doonayso inay isku dheellitirto xaqa shacabka ee isu imaatinka nabadeed iyo baahida loo qabo sugidda amniga caasimadda.

Qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ee la gaarsiiyay fariinta dowladda ayaa la sheegay inay diideen soo jeedinta, iyagoo ku doodaya inay xaq u leeyihiin inay iyagu doortaan goobta ay ku qabsanayaan bannaanbaxooda, isla markaana aysan jirin khatar amni oo ka dhalan karta isu soo baxa la qorsheeyay.

Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan soo jeedintan, halka qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa mucaaradkuna aysan soo saarin jawaab rasmi ah.

Bannaanbaxa la qorsheeyay 4-ta Juun ayaa loo arkaa tijaabo muhiim u ah xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka, xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Itoobiyaan Lagu Eedeeyay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo Maxkamad lasoo taagey

Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda u sheegtay in eedeymaha loo haysto ay la xiriiraan ka qaybgal dagaallo.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 02:25PM

Dhex-dhexaadin siyaasadeed oo xal loogu raadinayo Khilaafka Galmudug iyo Villa Somalia

Si kastaba ha ahaatee, xogaha ayaa sheegaya in kulamadii Dhuusamareeb ay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 06:38AM