​Dowladda Mareykanka oo ka Digtay in loo Safro waddanka Soomaaliya

Image

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ugu digtay inay ka fogaadaan inay u safraan dalka Soomaaliya sababo la xiriria dhaqdhaqaaqyada weli socda ee kooxda Al-Qacida xiriirka la leh ee Al-Shabaab.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in muwaadiniinta Mareykanka ay ka warhayaan halista afduub ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

Waxay wasaaradda sheegtay in Soomaaliya aysan ku oolin safaarad Mareykanka oo muwaadniinta caawin karta.

Digniintan cusub ayaa baddeleysa tii wasaaradda ay horey usoo saartay ee ku taariikheysneyd 24 May 2016.

Digniintan ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay halis argagixiso uga jirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo meelaha ay dadka Reer Galbeedka tagaan oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, hoteelada iyo meelaha laga dukaameysto.

Waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay ku safraan meelo ku dhow xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira halista kooxaha burcad badeedda Soomaaliya.

VOA

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM