Dowladda oo gaadiid aysan rasaastu karin ka dejisay Gedo

Image
Image
Image
Image

DOOLOW, Jubaland - Diyaarad qaas ah ayaa magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxay ka dejisay gaadiid nooca aysan rasaastu karin oo afka qalaad loogu yeero Bullet-proof.

Sidda ay wararku sheegayaan, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa Doolow ku daabushay gaadiidkaas.

Ma cadda sababta dhabta ah ee halkaas loogu daad-gureeyay gaadiidkan. Mas'uuliyiinta labada dhinac wali fahfaahin rasmi ah kama aysan bixin talaabaddan.

Balse, waxay timid xilli warar soo baxayay gelinkii hore ee maanta ay sheegayeen in wadahadalo u socdo dowlada iyo Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland.

Janan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa daaha ka rogay in wadaxaajoodyaddu u socdaan, balse wuxuu beeniyay in ay gaareen is-afgarad kama dambeys ah.

Illo wareedyo ku dhow labada dhinac ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in wadahadaladda ay marayaan heer gabagabo ayna Farmaajo wakiil ka tirsan saraakiil sar-sare.

Jubaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isku haya gacan ku haynta gobolka Gedo, waxaana arrintaas ay xudun u tahay khilaafka ka taagan doorashooyinka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM