Dowladda oo ka hadashay sababihii Turkish Airlines uga dagi wayday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federaalka Somalia, ayaa ka hadashay sababihii ay Diyaarada Turkisha Airlines uga soo dagi wayday 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda Somalia Maxamed Cabdullaahi Salaad oo Warbaahinta kula hadlay Muqdishu, ayaa sheegay dabeylo xoogan oo jiray awgood ay Diyaarada u dagi wayday.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Diyaarada Turkish Airlines ay leedahay Xeerar u gaar ah, oo la xariira goobta ay ku dagayso, balse aysan jirin cilado kale oo u gaar ah Garoonka Aadan Cadde.

“Sababtii Diyaarada uaga soo dagi waysay waxay ahayd dabeysha ka socota Garoonka ee dhanka Badda uga imaanaysa, taasi oo xadkii loo ogolaa Diyaarada inay ku soo dagto ka badneyd,” Ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu xusay in Garoonka ay maalinta kasta kusoo degaan Diyaarado badan, balse mida Turkish Airlines ay ka duwan tahay kuwaasi, islamarkaana ay ka timaado dhanka Badda markii ay dagayso.

“Haddii dabaysha dhanka dambe uga timaada Diyaarada ay dhaafto xawaaraha loogu talo galay, looma ogala inay soo dagto Diyaaradda Turkish Airlines, taasna waa shuruuc u degsan Shirakadda, ee cilad kama taagna Garoonka,” Ayuu hadalkisa raaciyay Wasiirka.

Diyaaradda ayaa si caadi ah uga soo dagtay Garoonka maalintii shalay, waxaana ka hadlay Mas’uuliytiinta Shirkadda oo sheegay inay ciladu ahayd cimilada oo xun iyo dabaylo jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM