​Dowladda oo ka noqotay heshiisyo Dowladdii hore la gashay Shirkado

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaacisay inay heshiisyo kala laabatay 17 Shirkadooda, oo ay gudaha dalka laga leeyahay kuwaasi oo la shaqeeya dhamaan Hay'adaha dowladda. 

War Saxaafadeed uu soo saarey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa lagu sheegay in laga billaabo 31-ka July, 2017 ay dowladda ka baxday heshiisyadii Wasaaradaha iyo Hay'adaha dowliga la galeen Shirkadaha magacyadooda hoos ku xusan. 

1- .Shirkadda Visooyinka, 

2-.Shirkadda Pasaporka, 

3- Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka, 

4- Shirkadda Tresmitralaha, 

5- Shirkadda Gaadiidka Airporka, 

6- Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka, 

7-Shirkadda Notaayoyinka/Superlogoyinka, 

8- Shirkadda Quality Controlka, 

9-. Shirkadda PGM ee Dekadda, 

11- Shirkadda Scanka Dekadda, 

12-Shirkadda Shatiyada kala duwan, 

13- Shirkadda Sameyso Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga, 

14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha, 

15 Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka, 

16 Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka, 

17 – Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir. 

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in shaqada Shirkadahan ay qaban doonto Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somalia. 

Ma uusan sheegin Beyle sababta ay dowladda haatan jirta uga baxday heshiisyadii ay saxiixday dowladdii ka horeysay, balse wuxuu xusay in go'aanka uu yahay mid kasoo baxay Gollaha Wasiirada 15-kii June, 2017. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda cusub oo dalka timaada ay laalayso ama ugu laabanayso heshiisyo ay gashay maamulladii ka horeeyay, waxaana arintan lagu sheegay mid ay wataan madaxda xilalka isku bedela kusoo geliyaan booska Shirkada iyagu ay wataan. 

Amarkan cusub wax saameyn ah kuma yeelan doona shirkadaha Turkiga laga leeyahay, ee maamula Garoonka Diyaaradaha Muqdishu iyo Dekadda, oo ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn dowladda Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM