DF oo la wareegtay geedi u socodka dhismaha "Gamudug-ta cusub"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenimadii Isniinta magaaladda Dhuusamareeb kusoo gabagabeeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Ergooyin tiradooda lagu sheegay in ka badan 500 ayaa ka qeybgalay shirka oo socday isbuuc. War-murtiyeedka laga soo saarey waxaa lagu sheegay in la isku raacey dhismaha "maamul loo dhan yahay"

Bayaanka oo ka koobnaa saddex bog ayaa waxaa lagu xusay in wax laga bedelayo odayaasha dhaqanka, shuruudaha, habraaca iyo "saxitaanka khaladaad horey u dhacay".

Qoraalka oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa qodobadkiisa 7aad waxa uu xeerinayaa in dowladda federaalka awood u leedahay soo xulitaanka Xildhibaanada cusub.

War-murtiyeedka oo ku taariikheysan 16-ka bisha September ee sanadkan 2019, ayaa nan lagu xusin doorka ay qaadan doonan maamulka, odayaasha ama Ahlu Sunna.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Baadiyow, gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada guddiga doorashadda ayaa shaaciyey in talaabada xigta kadib shirkan ay tahay doorashadda.

Kahor doorashadda ayaa waxaa jiri doona shirar gaar gaar ah oo ay yeelan doonan beelaha kuwaasi oo lagu gorfeyn doono awood qeybsiga bulshooyinka.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM