Dowladda oo sheegtay in la fashiliyey weerarkii saldhigga Shibis

Image
Image

June 21, 2015 (GO)- Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisey weerar Al-shabaab kusoo qaaddey saldhig lagu tababaro ciidamada nabad-sugidda oo ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Af-hayeenka Wasaaradda, Maxamed Yuusuf Cismaan, oo goor dhow shir-jaraa'id qabtey ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ku guuleysteen inay weerarkaas fashiliyaan, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo dhanka ciidamada soo gaarey.

Yuusuf ayaa xusay in ilaalada xaruntu tacshiirad ku fureen gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo wadihiisu ka dhega adeygey inuu istaago, gaariga ayaa intaas kadib ku qarxay meel xoogaa ka durugsan dhismaha saldhigga.

Sida af-hayeenku sheegay waxaa qaraxaas ku geeriyoodey dareewalkii gaariga, waxay sidoo kale ciidamadu toogasho ku dileen labo nin oo kale. Meydadka saddexda qof warbaahinta ayaa loo soo bandhigay.

Dhanka Al-shabaab weli kama soo bixin faah faahin ku saabsan weerarka maanta dhacay iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

Khamiistii lasoo dhaafay, ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa ku guuleystey inay fashiliyaan weerar caynkan oo kale ahaa, kaasoo Al-shabaab qorshaysay inay la beegsato goobta deegaanka u ah ergooyinka ka qayb gelaya shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee ka socda degmada Cadaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM