​Dowladda Somalia oo aqoonsiga ka guddoontay Safiir Maraykan ah

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Danjire Stephen M. Schwartz oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga ku wareejiyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaalia, ka dib booqsho uu ku tagay magaalada Muqedishu.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaalia ayaa lagu yiri “Magacaabistiisa Danjire Stephen waxa ay cadeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.”

Wasiirka Arrimaha Dabadda Cabdisalaam Hadliye oo aqoonsiga ka guddoomay ayaa Xukuumadda Washington uga mahad celiyay dadaalkeeda ku aadan dib u dhiska Somalia, wuxuuna safiirka u rajeeyay inuu noqdo mid ka shaqeeya danaha umadda Somaaaliyeed.

Danjire Schwartz oo dhinaciisa hadlay ayaa tilmaamay in mudada uu xilka hayo uu ahaan doono saaxiib dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin isla markaana gacan ka geysta sidii Soomaaliya u noqon laheyd wadan ay xoogan yihiin hey’adahiisa ayna yihiin kuwo dimoqraadi ah.

“Waxaan ka caawin doonaa xaqiijinta amniga, dhismaha hey’ado dimoqraadi ah,ku dhaqanka sharciga iyo kobaca dhaqaalaha Soomaliya,” Ayuu yiri danjire Schwartz.

Mr. Stephen ayaa loo dhaariyay xafiiska dhammaadkii bishii June, isagoo noqday safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka uu u diro Somalia muddo 25 sanadood ah.

Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay Danjire u magacowday dalka Somalia tan iyo 1991-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM