​Dowladda Somalia oo aqoonsiga ka guddoontay Safiir Maraykan ah

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Danjire Stephen M. Schwartz oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga ku wareejiyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaalia, ka dib booqsho uu ku tagay magaalada Muqedishu.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaalia ayaa lagu yiri “Magacaabistiisa Danjire Stephen waxa ay cadeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.”

Wasiirka Arrimaha Dabadda Cabdisalaam Hadliye oo aqoonsiga ka guddoomay ayaa Xukuumadda Washington uga mahad celiyay dadaalkeeda ku aadan dib u dhiska Somalia, wuxuuna safiirka u rajeeyay inuu noqdo mid ka shaqeeya danaha umadda Somaaaliyeed.

Danjire Schwartz oo dhinaciisa hadlay ayaa tilmaamay in mudada uu xilka hayo uu ahaan doono saaxiib dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin isla markaana gacan ka geysta sidii Soomaaliya u noqon laheyd wadan ay xoogan yihiin hey’adahiisa ayna yihiin kuwo dimoqraadi ah.

“Waxaan ka caawin doonaa xaqiijinta amniga, dhismaha hey’ado dimoqraadi ah,ku dhaqanka sharciga iyo kobaca dhaqaalaha Soomaliya,” Ayuu yiri danjire Schwartz.

Mr. Stephen ayaa loo dhaariyay xafiiska dhammaadkii bishii June, isagoo noqday safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka uu u diro Somalia muddo 25 sanadood ah.

Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay Danjire u magacowday dalka Somalia tan iyo 1991-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM