Dowladda Somalia oo dalbatay in la cayriyo Madaxii FOA

Image

MUQDISHU, Somalia- War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa Qaramada Midoobay looga codsaday in dalka Somalia looga saaro Madaxtii hay'adda Beeraha iyo Waraabka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Richard Trichard.

Warqadda oo soo baxday 13 june, balse warbaahintu heshay Jimcihii, ayaa lagu sheegay in wakiilkan uu ku xad gudbay waajibaadkiisii isagoo lagu eedeeyay inuu Akhlaaq xumo kula kacay saraakiil katirsan dowladda oo Wasiirro ay ku jiraan.

Inkastoo aan warqadda lagu caddayn eedaha Rasmiga ah ee Wakiilkan gaystay, hadana dowladda ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in muddo saddex Casho ah uga saarto mas'uulkan gudaha Somalia.

Balse, Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac, taasoo uusan faah faahin ka bixin halka uu marayo.

Ninkan oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in Richard Trichard uu yahay shakhsi shaqo wanaagsan ka qabtay gudaha Somalia, balse aysan ogaan karin waxa ka jira eedaha dowladdu u hayso.

Ilaa hadda lama oga in Trichard laga saaray gudaha Somalia iyo in kale, xilli dowladda Somalia sheegtay in FOA, laga sugayo howl adag oo ku aadan wax ka qabashada Abaaraha.

Waa tallaabadii ugu horeeysay oo dowladda Madaxweyne Farmaajo ku qaado mas'uul katirsan Qaramada Midoobay, xilli ninkan lagu dhaliilo inuu yahay shakhsi ka faa'iidaysteen dowladd la'aanta ka jirta Somalia islamarkaana ku kaca inta badan falal ka baxsan anshaxa Wakiilnimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM