Dowladda Somalia oo dalka ka mamnuucday Hay'ad ajnabi [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay go'aan ay dalka uga mamnuucday Shirkadda Sahan Research, oo uu leeyahay nin ajnabi ah oo lagu magacaabo Matthew Bryden, oo u dhashay dalka Canada.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga 17-ka December ayaa lagu sheegay in Hay'adda Sahan Research laga joojiyay dhamaan wixii howlo ah ee ay ka wadey gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira amniga qaranka, xasiloonida iyo midnimada dalka.

Sida ku xusan qoraalka, go'aankan ayaa yimid kadib markii hay'adaha amniga dowladda Federaalka ay xogo ka heleen shaqooyinka ay Sahan Research ka wado dalka, iyadoo aan lasoo bandhigin waxyaabaha lagu helay hay'addan.

Waxaa go'aankan la ogeysiiyay Wasaaradaha qorsheynta, arrimaha gudaha iyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo qoraalkana loo diray deeq bixiyayaasha, Qaramada Midoobey iyo hay'adaha kale ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in cidii ku xad-gudubtaa go'aanka dalka looga mamnuucay Sahan Research in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Sahan Research waxaa agaasime u ah Matt Bryden, soo noqday Isuduwaha Kooxda la socodka xayiraadaha huba ee Soomaaliya iyo Eritrea (SEMG) intii u dhaxeysay 2008 illaa 2012.

Illaa hadda lama sheegin nooca shaqooyinka ay hay'addan ka wadey dalka Soomaaliya, balse waxaa magaceeda ka muuqda inay yahay shaqadeeda cilmi-baaris.

Mamnuucida Sahan Research laga mamnuucay Soomaaliya inay ka howlgasho ayaa ka dambeysay markii Matt Bryden, uu wareysi uu siiyay Wargeyska Washington Post uga hadlay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso maamul goboleedyada.

"Tani waxay u muuqataa in dawladda Federaalka isku dayayso in ay fuliso rabitaankeeda ka soo horjeeda rabitaanka maamullada xubnaha ka ah," ayuu yiri Matt Bryden, agaasimaha Sahan Research, "Ma arko qaab wadahadal ah oo ka baxsan tan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM