Dowladda Somalia oo ka hadashay 1-da May

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dawladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

“Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horeysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Hadii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dadaalka Dawladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, iyadoo laga faa’idaysanayo xoogga shaqaalaha ee diyaarka ah.

Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM