Dowladda Somalia oo ka hadashay 1-da May

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dawladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

“Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horeysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Hadii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dadaalka Dawladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, iyadoo laga faa’idaysanayo xoogga shaqaalaha ee diyaarka ah.

Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM