​Dowladda Somalia oo ka hadashay amarka Donald Trump

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia ayaa ka hadlay amar dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump kasoo xayiraad lagu saaray Muwaadiniin kasoo jeeda 7 dal oo Somalia ku jirto.

Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa xusay inay aad uga xunyihiin go'aankaas oo uu sheegay in lagusoo beegay xilli Somalia kasoo kabanayso dagaallo sokeeye.

Ggolaha wasiirrada Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, ayuu tilmaaaamy in shir ka yeelan doonaan maalmaha soo socda qorshaha ka dhanka ah muslimiinta, wuxuuna tilmaamay inay qaadan doonaan tallaabada ku haboon.

“Guud ahaan Soomaaliya waa ka xunahay in wadamo hada kazoo baxaaya dhibaato oo horay u socda dadkiisuna ay yihiin dad shaqaysta farta lagu soo fiiqo, waxaana rajeeyneynaa in Doowlada Mareeykanka ay arintaan dib uga laabato,"Ayuu yiri wasiir Hadliye isagoo ku sugan magaalada Addis oo ay joogaan shirar ay leeyihiin Madaxda dalalka Africa

Hadliye oo waraysi siiyay VOA, ayaa intaas ku daray inay aad uga walaacsanyihiin qorshahaas iyo maxsuulka ka dhalan kara.

Donald Trump, ayaa maalintii Jimcaha saxiixay awaamiir muddo 90 maalmood ah xayiraad saaray dadka muslimiinta ah ee kasoo jeeda dalal ku yaalla Bariga Dhexe iyo Africa.

Tallaabadaas ayaa keentay in bannaanbaxyo waaweyn ka dhacaan magaalooyinka Maraykanka, taasoo ay ka qayb galeen mas'uuliyiin katirsan xisbiga Dimuqraadiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM