​Dowladda Somalia oo ka hadashay hishiiska Saldhigga Berbera

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia ayaa si kulul ugu hadashay Heshiiska ay Somaliland la gashay Imaaraadka, ee ku aadan saldhiga military ee laga dhisayo magaalada Berbera.

Isagoo Wareysi siinayay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayuu sharci-darro ku tilmaamay Heshiiskaas oo ku sifeeyay mid labo "Labo Afle ah".

Qorshahan oo Muran iyo Khilaaf xooggan ka dhex-dhaliyay Baarlamaanka Somaliland iyo xukuumadda Siilaanyo ayaa, wuxuu Hanti dhowrka guud ee Somalia sheegay in uu ahaa mid shaqsiyaad saxiixeen.

"Heshiiskan sanadkii hore ayaa la billaabay, billowgiisana wuxu ahaa in Shirkada DP World, oo lagu wareejinayay Dekedda Berbera, balse qalad ayaa dhacay, kaasi ayaan kan ka dhashay," Ayuu yiri Dr Nuur.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiskii hore ay galeen Madax katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, balse ay markii dambe isku khilaafeen, lana joojiyay gebigiisaba.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka wuxuu xusay in markii uu fashilmay heshiiskii hore, ay shaqsiyaad katirsan Somaliland sameeyeen barnaamijkan Imaaraadka u ogolaanayaan saldhiga Military ee Berbera.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa sidoo kale cadeeyay in Xildhibaanada Somaliland laga qariyay saxiixyadii iyo heshiisyadii hore, laguna qaldayo midka cusub ee saldhiga Military lagu siiyay Imaaaraadka.

Ugu dambeyntii, Dr Nuur ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Hantida qaranka, lagana daayo boobka gaar ahaan badda iyo dhulka, taasi oo aan dan ugu jirin dalka iyo dadka sida uu hadalka u yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli Barlamanka Somaliland saxiixeen hishiiskaas kadib markii Madaxweyne Siilaanyo hortagay labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada todobaadkan gudahiisa inkastoo lagu xir-xiray diidmo ay muujiyeen dhowr mudane.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM