Dowladda Somalia oo ka hadashay Weerarkii Nairobi iyo dhimashada oo korartay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa ka cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey shalay gelinkii dambe hotel-ka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

War-Saxaafadeed ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in weerarka uu yahay mid argagaxiso, oo lagu laayay dad shacab ah.

Villa Somalia ayaa midnimo u muujisay Kenya dagaalka ay kula jirto argagaxisadda.

Dhanka kale, waxaa soo kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhacay weerarka, iyadoo Booliska Kenya uu sheegay in ugu yaraan 15 qof ay dhinteen, 35 kalena ay dhaawacmeen.

Afar nin oo aad u hubeysan ayaa weerarka fuliyay, kuwaasoo mid kamid ah ay qabatey kaamiradda CCTV ee ku xiran Hotel-ka iyo dhismaha Dusti, kaasoo ka kooban xafiisyo iyo goobo ganacsi.

Shirkad laga leeyahay dalka Thailand oo lagu magacaabo Dusit Thani Group ayaa leh goobta Al Shabaab weerartay, iyadoo dhacdadan ay kusoo beegantay sanad-guuradii 3aad ee weerarkii Ceel-Cadde oo dhacay 15-kii January ee 2016.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM