Dowladda Somalia oo qaaday Isbaarooyin

Image

MUQDISHU, Somalia- Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sida sharci darrada ah u yaalla wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan gobolka Shabellaha Hoose oo laga qaaday dhowr Isbaaro oo u taaley dad adeegsanaya magacyada Ciidanka, kadib, amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku aadanaa la dagaalanka Isbaarooyinka Sharci darrada ah.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray askartii isbaaradu u taaley, xilkiina laga qaaday Saaraakiishii xukuntay askarta isbaarada dhigatay.

“kadib, amarkii uu bixiyey Madaxweynaha J.F.S Mudane M. Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askeri oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo. Waxaan cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin”. Ayuu yiri Gen. Caanood.

“Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabellaha Hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka.” Ayuu raaciyey.

Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM