​Dowladda Somalia oo si KMG ah u joojisay Qaadka ka yimaada Kenya

Image

MUQDISHU, Somalia- Xukuumadda Somalia ayaa maanta ku dhawaaqday in si KMG ah loo joojiyay duulimaadyada diyaaradaha qaadka keena dalka ee ka yimaada waddanka Kenya laga bilaabo 6 September, 2016 sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka wasaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jamac (Jangeli).

Wasiir Jangali ayaa tilmaamay in go’aanka loo qaatay duruufo jira oo uusan shaacin, isagoo caddeeyay in qorshaasi yahay mid dowladdu u gaartay si ku meel gaar ah.

"Diyaaradihii Jaadka keeni jiray ayaa la joojiyay, dee dabcan way saamaynaysaa Jaadka, duruufo jira oo gaar ah darteed ayaa loo yeelay, waana kumeel gaar, anagaana soo sheegi doona waqtiga la furayo diyaaradahaas iyo habka loo furayo,"Ayuu yiri wasiirka Gaadiidka iyo Duulimaadka Somalia oo la hadlay VOA.

Mar wax laga weydiiyay inay tallaabadan la xiriirto shir Madaxeedka IGAD ee 10 bishan ka furmay caasumadda Somalia ayuu sheegay inaysan wax xiir ah lahayn.

Wuxuu xusay in go'aanka Qaadka laga qaatay ay isugu jiraan mid Amni iyo Dhaqaale, balse uusan doonayn inuu faah faahin ka bixiyo, isagoo sheegay inay wargaliyeen dhammaan hay'adaha uu amarkan saamayn doono.

Jangeli, ayaa tilmaamay inaysan jiri doonin diyaarad Jaad sida oo imaan doonta magaalooyinka waaweyn ee dalka isagoo xusay in ciddii fulin wayda tallaabadaasi loo arkayo mid ku cad-gudubtay sharciga waddanka islamarkaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dowladda Kenya dhaqaalo badan ka xarayso Qaadka kasoo daga Somalia. Dhinaca kale, waxaa iyaguna nolol maalmeed ka raadsada qoysas badan oo Somali ah, lamana oga waqtiga ay qaadan doonto go'aankan iyo sida uu u hirgali doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM