​Dowladda Somalia oo wadda qorshe ay ku joojinayso Qaadka ka yimaada Kenya

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia ayaa wada qorshe ay ku joojinayso mar labaad qaadka ka yimaada dalka kenyo oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed, ka dib markii xukuumadda Nairobi ay tixgalin wayday hashiiskii labada dal ay wada gaareen 13-kii bishii September, 2016 ku gaareen magaalada Muqdishu.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Somalia ayaa xaqiijisay in Todobaadyada soo socda ay markale joojinayso qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya hadii aysan sheegin sababaha ay u filin waayeen heshiiskii dhawaan la gaaray.

Saraakiil katirsan dowladda Somalia, ayaa xaqiijiyay in Kenya aysan xil iska saarin sidii loo fulin lahaa qodobada ku qornaa is-afgaradkaas oo qaybtood dadka Somalida u arkayeen inay tahay culays ka fuqi doona.

13-kii bishii September ee sanadkan, ayaa Madaxweynayaasha labada waddan; Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay wada saxiixdeen qodobo ay kamid ahaayeen;

  1. In Kenya joojiso Diyaaradaha rakaabka ee lagu baaro garoonka Wajeer, taasoo dhib badan ku qabaan muwaadiniinta Soomaaliya
  2. In la fududeeyo dal ku galka Kenya oo isna ay adag tahay inay si fudud u helaan dadka tagaya Kenya
  3. Iyo inay Somalia xayiraada ka qaado Qaadka ka imaanaya dalka Kenya oo ay dhaqaalo badan ka helaan shacabka waddankaas.

Inkastoo ay dowladda Somalia dhaqan galisay heshiiskaas ayaa hadana xukuumadda uu hogaamiyo Kenyatta, waxay codsadeen in la siiyo sadex bilood si ay uga fakaraan labadaas qodob.

Waqtigaas ayaa ku ekaa 03 December, 2016 mana jirto wax war ah oo ilaa waqtigaas kasoo baxay labada dhinac.

Hadii Jamhuurada Somalia ay ka dhabayso go'aankeeda ku aadan joojinta Qaadka ka yimaada waddanka Kenya,waxay noqoanaysaa markii labaad oo tallaabadan ay ku kacdo xakuumada waqtigu ka dhammaaday ee uu hogoominayo Xasan Shiikh.

Dalka Kenya, ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadoodu joogaan Somalia iyagoo ku howlgala magaca AMISOM.

Arrintan ayaa wararka kale oo laga heleyo sheegayaan in sababteeda tahay loolanka doorashda Madaxweynaha Somalia kaasoo Madaxweyene Xasan Shiikh u arko in wadanka Kenya dowlada ka arimisa taageereyso qaar ka tirsan musharaxiinta xilka Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM