Dowladda Somalia "Waxaa la Rumeysan Yahay in la Dilay Cali Jabal"

Image

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in wakiilkii ururka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tooro-Toorow.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya ayay ku tiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).”

Cali Jabal ayaa muddo ahaa wakiilka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho, isaga oo marar badna kasoo muuqan jiray warbaahinta.

Goor sii horeysay, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee Africa Command, waxaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay hal mintid oo ka tirsanaa ururka Al-Shabab.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wax dhibaato ah ayna dadka shicibka ah kasoo gaarin weerarkan.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in hawlgalku uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Tooratoorow ee koonfurta Soomaaliya.

VOA

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM