Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland isku khilaafsan xorreynta Bu’aalle

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa isku maan-dhaafsan abaabul-dagaal oo ka dhan ah degmada Bu’aalle, kaasi oo la doonayo in laga xorreeyo xoogaga Al-Shabaab, sidda uu fahansan yahay warsidaha GO.

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Jubadda Hoose ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waday diyaar-garow balaaran oo ay ku doonayaan dagaal ku qaadaan caasimada rasmiga ah ee maamulkaan.

Balse, maamulka Axmed Madoobe ayaa dhinaciisa sameynaya dhaqdhaqaaq ciidan, waxaana uu ciidamo wadata Gaadiid dagaal uu udiray shalay oo Sabti ah degmada Afmadow, iyaga oo ku biiray cutubyo halkaasi ugu sugnaa.

Ciidamada milatariga dalka ayaa waxaa hogaaminaya Jenaraal Cali Bogmadow, kaasi oo ay dowladdu umagacowday qaybta 43aad bishii August, balse, markii laga soo celiyay Kismaayo ka degay dhinaca Garbahaarey.

Dhanka kale, xogta laga helayo dhinaca Al-Shabaab ayaa sheegaysa in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay wado olale ay isaga difaaceyso weerarada kusoo food-leh, iyada oo tababaro usoo xirtay dagaalamayaal cusub.

Kooxda ayaa magaalada Bu’aalle usoo daabushay maleyshiyaad horleh, oo dhowaan tababar loosoo xiray, kuwaasi oo laga keenay dhinaca magaalada Jilib, xarunta ugu wayn Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa afartii sano ee uu madaxwaynaha ka ahaa Axmed Madoobe waxaa lagu dhaliilay inuu ka gaabiyay baahinta maamulka iyo xorreynta degaanada ka maqan, oo ay haysto Shabaab.

Todobaadkii lasoo dhaafay, Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowlada, AMISOM iyo Beesha Caalamka inay daacad ka ahayn gulufka Al-Shabaab, isaga oo wacad ku maray in maamulkiisa uu isku tashanayo.

Horaanta bisha April ee sanadka cusub 2019, ayaa lagu wadaa inay Jubbaland ka bilaabato doorashada Xildhibaanada maamulkaan, taasi oo u-gogol xaareysa doorashada Madaxtooyada oo 15-ka bisha August.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM