Dowladda Soomaaliya iyo World Bank oo heshiis kala saxiixday

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Bankiga Aduunka [World Bank] iyo Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis ku saabsan deeq lacageed oo dhan 80 milyan oo Dollar ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, xili oo maalinta Arbacadda ah.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo heshiiskaan qalinka ku jiiday ayaa shaaciyay in lacagta oo lagu talagay dib uhabaynta hanaanka maaliyadda ay qayb ka tahay 140 milyan oo Bankiga ubalanqaaday dowlada.

Dr Bayle ayaa cod dheer ku qeexay in lacagta oo aanan ahayn mid dayn ah ay ku muteysteen kadib shaqo wanaagsan oo ay qabteen, gaar ahaan geedi usocodka daynta looga cafinayo wadanka.

“Lacagtani waa qayb ka yahay 140 milyan oo Dollar oo mashruuc ah taasi oo uu Bankiga aduunka noo balanqaaday, waxaanu u aragnaa inay tahay abaalmarin,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa kusoo aadaya xili dhowaan Midowga Yurub uu xukuumada ugu tabarucay 100 milyan oo Yuuroo.

“Dhamaan waxyaabihini waxay muujinayaa shaqada fiican oo ay qabteen dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Xaqiiqadu waxay tahay in hadii aan wadaan kusii socono aan gaari karno meel kasii fog, iyo inaan lajaan-qaadno caalamka,” ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dalka laga cafiyo daymaha lagu leeyahay, inkasta oo uu qiray inay hortaalo shaqo aad u adag, loona baahan yahay dulqaad fara badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM