Maxkamadeynta wasiir Cabdirashiid Janan oo ka bilaabatay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa maanta oo Axad ah waxay Maxkamad soo taagtay Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur [Janan].

Janan oo bishii September 2019-kii laga qabtay madaarka Aadan Cadde isaga oo ka yimid Doolow kuna sii jeeda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, ayaa tan iyo xiligaas xirnaa.

Maamulkiisa iyo dhinacyo kale oo kamid ah saamileyda siyaasadda waddanka ayaa xariga Janan ku sifeeyay "mid baalmarsan Dastuurka dalka oo laga leeyahay dano siyaasadeed".

Madaxtooyadda Jubbaland ayaa qabashadda Janan ku tilmaamay "afduub", iyadda oo waydiisatay xukuumadda in ay si degdeg ah xorriyadiisa ugu soo celiso.

Sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareed, Janan ayaa wuxuu kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa waxay baahisay in taliye ciidan uu Janan ku wehliyay maxkamadeynta oo si rasmi ah u bilaabatay lana filayo in ay dhacaan fadhiyo kale.

Buulle Aadan Maxamed, taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Beled Xaawo iyo Janan ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyay "xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha".

Dhageysiga dhinacyadda ay doodu ka dhaxeysay oo soo xaadiray kulanka oo inta la og-yahay ah midkii koowaad ayay garsooreyaashu kadib shaaciyeen in dib laga soo muddeynayo fadhiga xiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM