Dowladda Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Bangiyadda maxaliga ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Bangiyada Soomaaliya waxay wajihi karaa khatar mar walba oo ay la macaamilaan shabakado xiriir la leh kooxo argagixiso ah, sidda uu uga digay Sii-haayaha Wasiirka Maaliyada xukuumada federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo u waramay New York Times ayaa hadalkaa ka dhawaajiyey xilli uu ka falcelinayey warbixin kasoo baxdey Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in Bangiyada ay la shaqeeyan Al-Shabaab.

Warbixinta oo ay soo saareen koox lix khuburo ah kuwaasoo UN-ka u qaabilsan dabagalka arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xoogaga hubeysan ay hindisteen naqshad cusub oo ay malaayiin Doolar ku aruursanayaan.

Sidda laga soo xigtay qormadda, ku dhex-milanka ganacsiga suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo iibsashada hanti ma guurto ah ayaa kamid ah qaababka cusub oo December, 2019 illaa August, 2021 ay ku heleen 13 milyan oo Doolar.

Bayle oo Al-Shabaab ku qeexay in ay tahay "Maafiyo" ayaa walaac xoogan wuxuu ka muujiyey xeelada cusub oo ee argagixisadda isku-dabarideen.

"Bangiyada kulamo ayaan la leenahay, waana ku wargelin doonaa in ay ku jiraan khatar," ayuu Bayle ku yiri wareysigan uu bixiyey isagoo Muqdisho jooga.

Wuxuu ku daray: "Kooxdan waa Maafiyo. Markii Mas'uuliyiinta ay kasoo xiraan hal albaab waxay helayaan qaab kale oo ay lacag ku kala gudbiyaan".

"Dadkan [dagaalameyaasha Al-Shabaab] waa kuwa aad u caqli iyo dhagar badan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay isagoo aan soo hadal-qaadin qorsheyaasha uga degay si ay u baajiyaan qulqulka lacagta ay heleyso maleyshiyadda.

Ururada argagixisada ah ayaa dhaqaalaha ay uruur-sadaan waxay u adeegsadaan in ay kusoo iib-sadaan saanadaha hubka iyo in ay ku fududeeyaan howlgalada ay doonayaan in ay ka fuliyaan magaalooyinka kala duwan ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM