Dowladda Soomaaliya oo ka aamusan shacab lagu dilay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof oo dumar ah ayaa ku dhimatay, Lix kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas la sheegay in Askari ka tirsan Milatariga ku furay xalay gaari shacab xaafada SOS ee degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Gaariga oo ah nooca Soomaalida u taqaano CAASI [HOMY], ayaa wadey haween ka yimd xaflad aroos ah, iyadoo markii ay marayeen nawaaxiga Isgoyska SOS la rasaaseeyay, iyadoo aan la ogeyn sababta loo beegsaday.

Dhacdadan oo ahayd mid argagax leh, ayaa qeyb ka ah falal joogto noqday oo ay geystaan ciidamada dowladda, gaar ahan kuwa loo xil-saarey amaanka Muqdisho, oo dhowr sidan oo kale u rasaaseeyay gaadiid dadweyne, oo Arday iyo dad kale ku dilay.

"Askariga isagoo aanan la hadlin darawalka ayuu rasaasta ku furay. Ma garan karno waxa ku kalifay. Haweenay ayaa ku geeriyootay, lix kale oo dumar u badana way ku dhaawacmeen," ayuu yiri goobjooge l hadly Garowe Online.

Maalmo kahor ayey ahayd markii xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir uu Askari ka tirsan ciidanka dowladda, gaar ahaan Booliska uu rasaas ku furay dad saf ugu jira qaybta Raashiin, taasi oo khasaaro kala duwan geystay.

Labo bilood kahor dhacdo tan lamid ah ayaa ka dhacday xaafada Suuqa Xoolaha ee caasimada dalka, taasi oo lagu dilay dad rayid ah, waxaana goobta ka baxsaday dhamaan askartii geystay fal-dambiyeedkaan, kuwaasi oo aanan wali gacanta lagu soo dhigin.

Ma jiro mas'uul ka tirsan dowladda ama maamulka gobolka Banaadir oo illaa hadda ka hadlay dhacdooyinka isdaba joog ah ee shacabka lagu dhibaateynayo.

Madaxwayne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey shirkii Khamiislaha ahaa ee Gollaha Wasiiradda ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid cadaaladda ka sareysa, isagoo balanqaaday in gacan bir ah lagu qabanayo cida dhibaataysa shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM