Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka
Muqdisho – Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xaqiijin lahayd in qaar ka mid ah ciidamada dalalka gobolka ee haatan ku sugan Soomaaliya ay sii joogaan dalka wixii ka dambeeya December 2026, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah, si looga hortago firaaq amni oo ka dhalan karta dhammaadka howlgalka Midowga Afrika.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, dowladda ayaa doonaysa inay ku qanciso dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya inay si toos ah heshiisyo amni ula galaan Muqdisho, halkii ay uga sii shaqayn lahaayeen qaabka howlgalka Midowga Afrika.
Qorshahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Mareykanku uu go'aansaday inuu joojiyo taageeradii dhaqaale ee uu ku bixin jiray howlgalka amniga Soomaaliya, taasoo abuurtay walaac ku saabsan sida loo maalgelin doono joogitaanka ciidamada shisheeye.
Ilo wareedyadu waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale taageero dhaqaale u raadinayso mid ka mid ah dalalka Carabta si loogu maalgeliyo qorshaha cusub, inkastoo weli aysan jirin kalsooni buuxda oo laga qabo helitaanka dhaqaalahaas. Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallo dhacay ayaa lagu tilmaamay kuwo muujiyay horumar.
Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta ayaa ka muujiyay walaac qorshahan, iyagoo ka cabsi qaba inuu la kulmo caqabado la mid ah kuwii hore ee la xiriiray ciidamada ay mushaaraadka siin jirtay Imaaraadka Carabta.
Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, dowladda ayaa qorshaha cusub la wadaagtay laba ka mid ah dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya. Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay dadaal ugu jirto inay wada-hadal la yeelato Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, si loo helo ku dhowaad 2,000 askari oo Uganda ah kuwaas oo sugi lahaa amniga xerada Xalane iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda.
Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kadib markii guul laga gaari waayay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Federaalka Soomaaliya la wareegi waysay mas'uuliyadda amniga qaranka, iyadoo mudo 17 sano la taageerayay.
GAROWE ONLINE