Dowladda Soomaaliya oo markale iclaamisay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha milatariga Soomaaliya, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe] ayaa sheegay in Al-Shabaab ay "ka qoomameyn doonto" dilkii ay ugeystay Taliyihii iyo Abaanduulihii qaybta 12-ka April ee ciidanka xooga dalka.

Taliyihii qeybta 12-ka April Janaraal Cumar Dheere iyo abaanduulihii isla qeybtaasi Cabdi Cali Jamaame ayaa ku geeryooday weerar Jidgal ah oo Khamiistii lagula beegsaday meel ku dhow tuulada Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dheere oo xilal kala duwan soo qabtay – Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga, iyo Xanaanada Xoolaha, Xilldhibaan [2004-12] ayaa meydkiisa iyo midka Cali Jamaame lagu aasay Muqdisho, Jimcadii.

Madaxa kala duwan oo ay ku jiraan Madaxwayne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre, Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida oo uu kamid yahay Indha-qarshe ayaa Salaada Janaasada kula tugaday Masjidka Madaxtooyadda.

Indha-qarshe oo markaasi kadib la hadlay warbaahinta wuxuu fariin Hanjabaad ah uu udiray xoogaga Al-Shabaab, isaga oo ku dhawaaqay dagaal aargoosi ah oo ka dhan ah kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Markii ay la dagaalami waayeen inay Qarax fulaynimo ah Jidka udhigeen…Wayna ka shalay doonan,” ayuu Indha-qarshe yiri xili uu intaasi ku daray “Waanu u aargudi doonaa saraakiisha ay naga dileen.

Taliyaha milatariga Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu tacsi tiiraanyo leh uu udiray ehelada, asxaabta iyo si gaar ah qoyskiisa ay ka tageen Jenaraalladda iyo Askartii todobadda lahayd ee la dhimatay.

Cumar Dheere oo ku dhashay magaalada Beled-wayne ayaa kamid ahaa saraakiishii dowladii Siyaad Barre ay udirtay dalka Ruushka, isaga oo ahaa Khabiir dhinaca ciidanka oo meelo kala duwan kasoo dagaalamay.

Lix caruur ah, kuwaasi oo ay udhashay hal Xaas, qaar koodna ay qaan-gaar yihiin, ayuu ka tegay marxuumka, kuwaasi oo Xilldhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo Gollaha Shacabka ka tirsan shaaciyay inay garab-taagan yihiin.

Qaybta 12-ka April ee ciidanka xooga Soomaaliya oo kamid ah Guutooyinka ugu fir-fircoon ee Milatariga dalka ayaa ka howlgasha goboladda, Shabeellaha Hoose, Dhexe iyo Banaadir, xili ay dhowr dagaal la galeen xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM