Dufaan Ku Soo Wajahan Dalka Soomaaliya

Image

Qaybta saadaasha hawada ee BBC ayaa sheegtay in ay samaysmayso duufaan xoog leh oo ka soo abuurmaysa badda Arabia.

Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la filayaa in ay ku dhiufato waddanka cumaan Jimcaha, ka hor inta aysan garaacin Sabtida dalka Yemen,oo aysan ku xigsiinSoomaaliya.

Waxaa la sheegayaa in roobab aad u xoog leh ay wadato.

Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka ayaa sheegaysa iyadana in heerka duufaantan uu yahay heerka 1aad.

Marka ay gaarto Yemen iyo Cumaan waxay xaruntu sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado.

Laakin roobabka xoogga leh ayey sheegtay in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay.

"Waxaa kaloo macquul ah in Luban ay galbeedka sii aaddo oo ay u gudubto gacanka Cadmeed" ayey tiri xaruntu.

Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Arabia xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Arabia.

Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

BBC

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM