Dr Dufle oo difaacdey xubinimadiisa Aqalka Sare

Image
Dufle ayay labintu raacdey kadib markii uu doorasho laba wareeg ah kana dhacdey magaalada caasimada ah ee Jowhar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dr Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa dib loogu doortay in uu afarta sano soo aadan uu HirShabelle ku metelo Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee federaalka ah ee Soomaaliya.

Dufle ayay labintu raacdey kadib markii uu doorasho laba wareeg ah kana dhacdey magaalada caasimada ah ee Jowhar uu 86 cod kaga adkaadey Raage Xasan Cusmaan oo ay u coddeysay 28 mudane.

Wareega koowaad waxaa ku haray Maxamed Axmednuur Tarsan oo helay 19 cod, halka Raage Xasan Cusmaan uu helay 25 cod, Duflana uu hantey codad gaaraya illaa 59.

Waa kursigii afaraad oo kamid ah sideeda xubnood ee HirShabelle ku leedahay Senate-ka oo illaa haatan la doorto. Xalay waxaa isla Jowhar lagu doorto saddex mudane oo laba kamid ah soo laabteen.

Muuse Suudi Yalaxow oo tartan adag wajahay ayaa difaacdey kursigiisa, halka Fartuun Karaama ay si fudud ugu soo laabatay xubnimadda ka gedaal markii ay tartanka ka hartey haweenay la loolameysay.

Sida ay xaqiijinayaan warbixinadda la helayo, kursiga Muuse ayaa waxaa ku baxdey lacag ka badan hal milyan doolar maadaama ay ku loolamayaan daafyo kamid ah xoogaga siyaasadeed ee waddanka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa guuldaro siyaasadeed kala hooyatay ka gedaal markii musharaxii ay wadatay oo ah Cabdullaahi Sheekh kaasoo ku haray wareega labaad markii uu heli waayey codad ku filan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM