Duqa cusub ee degmada Bosaso oo xilka la wareegey

Image
Image

June 2, 2015 (GO)- Duqa cusub ee dhowaan loosoo magacaabay degmada Bosaso Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegey duqii hore Xasan Cabdallah Xasan.

Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday Hotel Gacayte, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), isimmo iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqii hore ee Bosaso Xasan Cabdallah Xasan oo ugu horreyn munaasabaddaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha u qabsoomey muddadii uu xilka hayey isagoo sheegay inay jiraan wax badan loo qabtey iyo qaar kale oo dhiman.

Xasan ayaa dhanka kale hambalyo u direy guddoomiyaha cusub isagoo ballan qaadey inuu si dhow ula shaqeyn doono Ilaahna uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibey.

Duqa cusub ee degmada Bosaso Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) ayaa ka mahadceliyey qaabka fiican ee xilka loogu wareejiyey, wuxuuna ballan qaaday waxqabad iyo horumar.

Ugu dambeyntii, waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Karaash. Wasiirka ayaa u hambalyeeyey maamulka cusub ee degmada, wuxuuna kula dardaarmey dadaal iyo inay la yimaadaan waxqabad muuqda.

May 27, 2015 ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas maamul u cusub usoo magacaabay gobolka Bari iyo degmada Bosaso islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee Bosaso. 

Duqa kumeel gaarka ah ee degmad Bosaso waxaa loo soo magacaabay Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) halka ku-xigeenka degmadna loo soo magacaabay Qaasim Cabdiraxmaan Maxamuud (Caluuke).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM